Home / Cayaaro / Man United iyo Arsenal oo dalban kara Griezmann

Man United iyo Arsenal oo dalban kara Griezmann

Himilo – Manchester United iyo Arsenal ayaa la soo warinayaa inay u dhaqaaqi karaan weeraryahanka kooxda Barcelona Antoine Griezmann inta lagu guda jiro suuq furanka soo socda.

Barcelona ayaa u furan inay iibiso laacibka Faransiiska kahor billowga ol-olaha 2020-221 iyada oo ku jirta diyaar garow ku saabsan saxiixa weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez.

Sida laga soo xigtay Sport, kooxda reer Catalan ayaa £92.4 Milyan ku dooneysa laacibka ku guuleystay koobka addduunka 2018.

Warbixinnada ayaa intaa raacinaya in Arsenal iyo Man United u dhaqaaqi karaan 29 jirka oo dhaliyay 14 gool 37 kulan oo uu u saftay Barca ol-olaha 2019-2020.

Qandaraaska Griezmann ee kooxda tababare Quique Setien ayaa ku eg illaa dhammaadka xagaaga 2024.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan