Home / Cayaaro / Man United iyo Chelsea oo si wadajir ah ugu dagaalamaya kabtanka Milan
epa07134166 Milan's Alessio Romagnoli celebrates after scoring the winning goal during the Italian Serie A soccer match between AC Milan and Genoa CFC in Milan, Italy, 31 October 2018. Milan won 2-1. EPA/ROBERTO BREGANI

Man United iyo Chelsea oo si wadajir ah ugu dagaalamaya kabtanka Milan

Himilo FM –Manchester United iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayaan kabtanka AC Milan Alessio Romagnoli xagaagan.

Romagnoli oo 24 sanno jir ah ayaa Milan kaga soo biiray Roma sannadkii 2015, waxaana uu u saftay 150 kulan tartamada oo dhan kooxda San Siro.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, labada kooxood ee United iyo Chelsea ayaa ‘indha indheynaya’ daafaca dhexe kahor inta aysan si rasmi ah ugu dhaqaaqin dhammaadka xilli ciyaareedka 2018-19.

Romagnoli ayaa loo doortay kabtanka Milan xagaagii hore markii Leonardo Bonucci uu ku biiray Juventus, waxaana uu 27 kulan u saftay kooxda Talyaaniga xilli ciyaareedkan 2018-19.

United ayaa u muuqata inay u dhaqaaqeyso daafac dhexe oo cusub xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga, halka Chelsea ay sidoo kale u muuqato inay isha ku heyso aagga dhexe ee daafac kahor xilli ciyaareedka soo aadan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan