Manchester United iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba xiiseynayaan saxiixa James Rodriguez oo ka yimid Real Madrid xagaagan.
James ayaa labadii sanno ee ugu danbeysay ammaah ku qaatay Bayern Munich laakiin kooxda Jarmalka ayaa la fahamsan yahay inay go’aansatay inay si joogta ah ula saxiixato dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Sida arrimuhu u taagan yihiin xiddiga heerka caalami ee dalka Colombia ayaa la filayaa in uu dib ugu soo laabto Bernabeu xagaagaan laakiin Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu u arko inuu qeyb ka yahay qorshihiisa.
Majaladda Marca ayaa tilmaameysa in Manchester United iyo Chelsea ay qorsheynayaan inay xagaagan u dhaqaaqaan xiddigii hantay gooldhalinta kooxda adduunka.
27 jirkan ayay macquul tahay in lagu iibsado £36m, Chelsea ayaa awoodi karto inay u dhaqaaqdo haddii xayiraadooda la hakiyo.