Home / Cayaaro / Man United iyo Man City oo qeyb ka noqday dagaalka loogu jiro Federico Chiesa

Man United iyo Man City oo qeyb ka noqday dagaalka loogu jiro Federico Chiesa

Himilo FM –Xiddiga Fiorentina Federico Chiesa ayaa diirada u saaran  dhowr kooxood  oo reer  Yurub ah oo ay ku jiraan labada naadi ee Premier League ka dhisan Manchester United iyo Manchester City.

21 jirkan oo ka ciyaara garabka middig ee weerarka dhexe ayaa u ciyaaray Viola 12-kii billood ee u danbeysay, waxaana uu haatan si  joogta ah ugu dheelaa  kooxda koowaad ee Italy.

Chiesa, oo ah wiilka weeraryahankii hore ee Italy Enrico ayaa soo jiitay  kooxo kala duwan kaddib qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa Serie A.

Chiesa ayaa 10 jeer dheelay Serie A iyo Coppa Italia xilli ciyaareedkan, iyadoo toddobo gool oo ka mid ah goolasha kooxda uu  dhaliyay shan ka mida .

Fiorentina ayaa rajeyneysa inay sii haysato xiddigooda weerarka ugu yaraan sannad kale, laakiin Corriere dello Sport ayaa warinaysa  inay kooxda reer Talyaani ay dagaal  u gali doonto haysashadiisa.

Iyadoo labada naadi ee reer  Manchester  xiiseynayaan , warbixinta ayaa muujineysa in Napoli, Inter Milan iyo Juventus ay doonayaan saxiixa  laacibka ka soo Aflaxay academy –yada Fiorentina, halka Bayern Munich iyo Real Madrid ay sidoo kale isha ku hayaan horumarkiisa  laakiin 50 milyan oo ginni ayaa laga diiday Juventus.

Fiorentina ayaa lagu soo waramayaa inay ku qiimeyneyso xiddiga Talyaaniga £52 million [€60m]. Chiesa ayaa 11 kulan u saftay Italy tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeeyay bishii March.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan