Himilo –Manchester United iyo Manchester City ayaa labaduba muujiyay inay xiiseynayaan saxiixa 16 jirka weerarka uga ciyaara Ajax Hossein Zamani xagaagan, sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail.
Xiddiga garabka ka ciyaara, oo ku biiray akadeemiga Ajax sannadkii 2016, ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah mustaqbalka dhallinyarada Yurub ka soo baxaya.
Zamani ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago Ajax islamarkaana uu raadsado tartan cusub xagaagan.
Sida laga soo xigtay jariiradda Daily Mail, United iyo City ayaa ka mid ah kuwa indhaha ku haya da’yarkan.
Kooxaha kale ee xiiseynaya Zamani waxaa ka mid ah Everton, Leicester City, Marseille ,AC Milan iyo Atalanta BC.
Waxa uu haystaa dhalashada Netherlands laakiin asalkiisu waa Afghani, wuxuuna ku dhashay Mashhad, Iran, 2002-dii
Zamani waxa uu dhaliyay shan gool isaga oo matalay xiddigaha ay da’doodu ka hoosayso 17jirada tartanka Eredivisie xili ciyaareedkii ugu danbeeyay.