Man United oo Arsenal kula tartameysa saxiixa Blaise Matuidi
Posted by: Mahad Mohamed
February 26, 2020
Manchester United ayaa kula tartameysa Arsenal saxiixa khadka dhexe ee Juventus Blaise Matuidi oo diyaar u ah in uu ka dhaqaaqo kooxdiisa.
Cayaaryahanka 32 jirka ah ayaa Juventus kaga soo biiray PSG sannadkii 2017-ka isaga oo u saftay kooxda reer Talyaani 118 kulan.
Sida ay qortay Manchester Evening News, United ayaa u aragta laacibka Faransiiska ah beddalka Paul Pogba balse waxay tartan doonis ah kala kulmeysaa kooxaha Arsenal iyo Lyon.
Wararka ayaa sheegaya in Pogba uu diyaar u yahay ka dhaqaaqista garoonka Old Trafford iyada oo ay xiiseynayaan Real Madrid, PSG iyo Juventus. Qanadaraaska Matuidi ee Bianconeri ayaa gaaraya illaa 2021-ka.
2020-02-26