Man United oo Arsenal kula tartameysa saxiixa Blaise Matuidi

Manchester United ayaa kula tartameysa Arsenal saxiixa khadka dhexe ee Juventus Blaise Matuidi oo diyaar u ah in uu ka dhaqaaqo kooxdiisa.

Cayaaryahanka 32 jirka ah ayaa Juventus kaga soo biiray PSG sannadkii 2017-ka isaga oo u saftay kooxda reer Talyaani 118 kulan.

Sida ay qortay Manchester Evening News, United ayaa u aragta laacibka Faransiiska ah beddalka Paul Pogba balse waxay tartan doonis ah kala kulmeysaa kooxaha Arsenal iyo Lyon.

Wararka ayaa sheegaya in Pogba uu diyaar u yahay ka dhaqaaqista garoonka Old Trafford iyada oo ay xiiseynayaan Real Madrid, PSG iyo Juventus. Qanadaraaska Matuidi ee Bianconeri ayaa gaaraya illaa 2021-ka.

error: Copy lama Ogola Fadlan