Home / Cayaaro / Man United oo bartilmaameedka koowaad ka dhiganaysa Sancho

Man United oo bartilmaameedka koowaad ka dhiganaysa Sancho

Himilo – Weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa in uu u muuqdo bartilmaameedka koowaad ee Manchester United suuq furanka xagaaga.

Man United ayaa la filayaa inay xoojiso safkeeda kahor ol-olaha 2020-21 iyada oo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu sheegay in kooxda keliya ka xigto seddex saxiix si ay u noqoto mid u tartami karta horyaalka Ingiriiska.

Cayaaryahanka  Aston Villa Jack Grealish iyo kan Leicester City ee Maddison ayaa si weyn loola xiriiriyay garoonka Old Trafford laakiin marka la eego Evening Standard, Sancho ayaa u muuqda bartilmaameedka koowaad ee kooxda.

Cayaaryahanka 19 jirka ah ayaa sameeyay bandhig wanaagsan xilli cayaareedka 2019-2020 isaga oo dhaliyay 17 gool islamarkaana caawiyay 19 kale 34 kulan oo ah dhammaan tartamada oo dhan.

Liverpool iyo Chelsea ayaa sidoo kale lala xiriiriyay weeraryahanka balse Sancho ayaa la tilmaamayaa in uu xiiseynayo u dhaqaaqista Red Devils.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan