Muqdisho – Agaasimaha guud ee kooxda Anderlecht, Herman Van Holsbeeck ayaa xaqiijiyay in laacibka Youri Tielemans uu ka tegi doono naadiga isaga oo ku biiriya Monaco dhamaadka toddobaadkan.
20-jirkan ayaa loo arkaa mid kamid ah xirfad-yahannada kusoo if-baxaya kubadda cagta kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxo ay kamid yihiin Manchester United, Inter iyo Atletico Madrid.
United-ka ayaa lagu soo warramayaa inay si joogto ah u daawanayeen bandhigga laacibka Tielemans kaas oo intii ay kooxdiisa Anderlecht’ ku jirtay loolanka tartanka Europa League meel sarreysa soo gaarsiiyay.
United dhiggeeda kala loolama gudaha horyaalka England sida Chelsea iyo Manchester City ayaa sidoo kale la isla dhex-marayaa inay daneynayaan xiddigan, hayeeshe hormuudka sanadkan hanatay horyaalnimada Ligue 1 France ee Monaco ayaa u muuqata mid ku guuleysaneysa saxiixiisa.
“Youri Tielemans wuxuu ka tegi doonaa Anderlecht. Waxaana dhawaaqa ugu danbeeya sheegi doonnaa toddobaadka soo socda,” ayuu yiri Van Holsbeeck.
“Ku biirista Monaco ma ahan 100%, hayeeshe waa naadiga muujiyay sida weyn oo ay u xiisaynayaan saxiixashadiisa.”
Tielemans ayaa kasoo dhex-baxay akadeemiyada tababarka kooxda Anderlecht kahor intuusan sameynin safashadiisii ugu horreysay isaga oo 16-jir ah.
Wuxuuna taniyo markaas u saftay 150 kulan isaga oo kusoo baxay xiddig lama huraaan u ah guulaha naadiga.
Xiddigan Qaranka Biljam u dhashay ayaa 13 gool dhaliyay gudaha 37 kulan taas oo qeyb ka aheyd in Anderlecht ay ku guuleysato horyaalnimada sanadkan.