Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso u dhaqaaqista khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos xagaaga.
Cayaaryahanka qaranka Jarmalka oo qandaraaskiisa Real uu ku egyahay 2023-ka ayaa kaga soo biiray kooxda Zinedine Zidane Bayern Munich sannadkii 2014-ka. Waxa uu Real Madrid u saftay 266 kulan.
Si kasta, Diario Madridista ayaa soo warineysa in Kroos uusan ku farxin in uusan ku lug yeelan kulankii Champions League oo Real kaga hortimid Manchester City iyada oo la soo wariyay in uu doonayay in uu ka tago Bernabeu.
Iyada oo uusan caddeyn mustaqbalka Paul Pogba, United ayaa ka fekeraysa dhowr go’aan oo ku saabsan khadka dhexe si beddal loogu helo laacibka Faransiiska ah.
Bayern Munich ayaa sidoo kale lala xiriiriyay 30 jirka oo dhaliyay seddex gool isaga oo caawiyay shan kale xilli cayaareedkan.