Home / Cayaaro / Man United oo dadaal ku bixinaysa saxiixa Kalidou Koulibaly

Man United oo dadaal ku bixinaysa saxiixa Kalidou Koulibaly

Himilo – Manchester United ayaa la soo warinayaa inay wali xiiseynayso daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly sida laga soo xigtay saxafiga Talyaaniga ee Niccolo Ceccarini.

Wararka ku saabsan mustaqbalka Koulibaly ayaa si weyn u soo baxayay toddobaadyadii danbe iyada oo Newcastle United iyo Chelsea lala xiriiriyay laacibka.

Manchester City ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay u dhaqaaqi karto 28 jirka kaasi oo loo oggolaan doono in uu ka tago Napoli kahor ol-olaha 2020-21.

Ceccarini ayaa caddeeyay in kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer dooneyso u dhaqaaqista cayaaryahanka reer Senegal suuq furanka xagaaga.

Daafaca Napoli ayaa  u saftay kooxda reer Talyaani 233 kulan tan iyo markii uu kaga soo biiray Genk 2014-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan