Home / Cayaaro / Man United oo dalab ka gudbineysa khad dhexe Lazio ah

Man United oo dalab ka gudbineysa khad dhexe Lazio ah

Himilo -Manchester United ayaa lasoo warinayaa inay isku diyaarineyso dalab 67 milyan ginni ah oo ay kula soo saxiixaneyso xiddiga Lazio Sergej Milinkovic-Savic iyadoo Ole Gunnar Solskjaer uu diiradda  saarayo khad dhexe .

Kooxda ayaa durbaba xaqiijisay saxiixa garabka  Daniel James iyo daafaca buuxa  ee Aaron Wan-Bissaka xagaagan.

Solskjaer ayaa haatan bartilmaameed ka dhigan doona khadka dhexe ka dib markii ay ka  tageen Marouane Fellaini iyo Ander Herrera sannadkan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Gazzetta dello Sport, United ayaa ka gudbinaysa  £ 67m  Milinkovic-Savic lakiin waxaa la sheegayaa in Lazio ay £ 107m ay ku doonayaan  ciyaaryahankeeda.

United ayaa si aad ah loola xiriirinayay xiddiga reer Serbia xagaagii lasoo dhaafay, laakiin ugu dambeyntii waxay doorbidday fursada ka jaban  ee Fred, kaasoo ugu dhaqaaqay Old Trafford £ 52m.

Kooxda Premier League ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto xiddiga Sporting Lisbon Bruno Fernandes iyo laacibka Newcastle United Sean Longstaff suuq Furankan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan