HImilo- Manchester United ayaa il gaar ah ku heysa qaab ciyaareedka Matheus Pereira ka hor inta aysan u dhaqaaqin weeraryahanka amaahda ku jooga West Bromwich Albion.
23-sano jirkan ayaa kooxda Baggies kaga soo biiray kooxda Sporting Lisbon xagaagii wuxuuna si heer sare ah uga muuqday waqtigiisii yar ee kooxda Championship.
Xaqiiqdii, xiddiga reer Brazil ayaa maareeyey seddex gool iyo sagaal caawin 14 kulan oo uu ciyaaray kooxda haatan hogaanka u heysa horyaalka Championship iyagoo leh 33 dhibcood 16 kulan oo ay ciyaareen.
Sida laga soo xigtay The Mirror, United ayaa daawanaysay weeraryahan inta lagu jiro ololaha xilli ciyaareedkan 2019-20 waxaana laga yaabaa inay heshiis joogto ah xagaaga soo aadan ugu dhaqaaqdo.
Pereira ayaa dhaliyay lix gool 27 kulan oo uu u saftay Sporting laakiin labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay wuxuu amaah ugu maqnaa kooxaha Chaves iyo Nurnberg.
West Brom ayaa la sheegay inay heysato ikhtiyaar ay ku dhameystirto heshiis joogto ah oo 8 milyan ginni xagaaga soo socda.