Home / Cayaaro / Man United oo dhabbar jab xoog leh kala kulantay Haaland

Man United oo dhabbar jab xoog leh kala kulantay Haaland

Himilo- Kooxda Manchester United ayaa la kulantay dharbaaxo aad u weyn iyada oo kooxda Juventus la soo wariyay in ay heshiis la gaartay RB Salzburg  oo ku aadan da yarkeeda Cajiibka ah ee Erling Braut Haaland.

United ayaa ugu cadcad inay soo xero geliso da ‘yarka laakiin haatan waxay u muuqataa inay seegtay.

Haaland ayaa dhaliyay 28 gool oo cajiib ah 22 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxaana uu soo jiitay xiisaha qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Sida laga soo xiganayo  Tuttosport, Juventus ayaa ku guuleysatay loolanka loogu jiro saxiixiisa, iyagoo heshiis 6.8 milyan ginni la galay ciyaaryahanka maalmihii ka danbeeyay ciida Kirismaska.

Wararka ka imanaya talyaani ayaa sheegaya in Juve ay xiriir adag la leedahay Salzburg iyo in Mino Raiola uu ka shaqeynayo heshiiska inuu isaga keeno Talyaaniga.

Kooxda Juventus ayaa la sheegay in ay ugu dhaqaaqday lacag dhan £ 26m iyada oo ay weheliyaan kooxaha Borussia Dortmund, Man United iyo RB Leipzig.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa cadeeyay shan bartilmaameed oo weerarka ah inay la soo wareegayaan bisha Janaayo halka Haaland uu ka mid ahaa kuwii ugu sareeyay.

United ayaa laga yaabaa inay hada raadiso meel kale iyadoo Haaland uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda Juventus.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan