Home / Cayaaro / Man United oo dhanka suuqa kula dagaalami doonta Man City

Man United oo dhanka suuqa kula dagaalami doonta Man City

Himilo FM –Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay Manchester City billowga wadahadalada ah oo ay kula jirto ciyaaryahanka khadka dhexe Monaco Youri Tielemans.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium waa ciyaaryahan ku soo baxay suuqa kala iibsiga ka dib markii uu ku  biiray kooxda Leicester City intii lagu jiray xilli ciyaareedka qeybtiisa 2aad uu ammaahda ugu ciyaarayay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Tielemans ayaa si toos ah uga dhex muuqday toddoba gool 13 kulan oo uu u safatay Leicester, taasoo keentay inay xiiseeyaan kooxaha Man United, Man City iyo Foxes qudheeda.

Saxafiga Belgian Kristof Terreur ayaa u sheegay Sky Sports News in United kooxda ay xafiiltamaan ee City ay horay wadahadal ula yeesheen wakiillka 22 jirkan.

Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale lagu xamanayaa inay dooneyso inay lasoo saxiixato Tielemans, iyadoo sidoo kale Monaco ay ku faraxsan tahay inay iskaga iibiso ciyaaryahanka  qiimo sare.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan