Home / Cayaaro / Man United oo dharbaaxsho kala kulantay saxiixa Matthijs de Ligt

Man United oo dharbaaxsho kala kulantay saxiixa Matthijs de Ligt

Himilo – Juventus ayaa lagu soo waramayaa in aysan diyaar u aheyn iibinta Matthijs de Ligt inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa ku guuleysatay tartanka loo galay cayaaryahanka qaranka Netherlands kahor ol-olaha 2019-20 iyada oo kaga adkaatay Manchester United.

De Ligt ayaa ku guuldareystay in uu soo bandhigo qaab-cayaareedkiisa wanaagsan tan iyo markii uu yimid Turin iyada oo ay jiraan warar tilmaamaya in uu Juventus ka tagi karo xagaaga.

United ayaa la rumeysan yahay inay xiiseynayso saxiixa 20 jirka iyada oo ku beddalanaysa Paul Pogba laakiin sida laga soo xigtay Tuttosport, Juve ma oggolaan doonto iibinta ninka reer Holland.

Wakiilka cayaaryahanka Mino Raiola ayaa ku casuumay Real Madrid inay soo bandhigto dalab ku saabsan laacibka oo ka soo muuqday 27 kulan oo uu u saftay kooxda uu leyliyo tababare Maurizio Sarri.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan