Home / Cayaaro / Man United oo dooneysa khad dhexe ka ciyaara horyaalka Ruushka

Man United oo dooneysa khad dhexe ka ciyaara horyaalka Ruushka

Himilo- Manchester United ayaa si dhaw isha ugu heysa khadka dhexe ee kooxda Rostov ee dalka Russia si ay ugu xoojiso safkeeda koowaad.

Mathias Normann ayaa bartilmaameed u noqon kara tababaraha ay isku dhalashada yihiin ee maamula kooxda Man United.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa wajaheysa culeyso xooggan oo ay ku billaabatay xilli ciyaareedka 2019-2020, waxayna u baahan tahay inay ka faa’iideysato suuq furanka bisha Janaayo si ay u xoojiso khadkeeda dhexe.

Ciyaaryahanada Christian Eriksen iyo Mario Mandzukic ayaa kamid ah bartilmaameedka kooxda hase ahaatee Man United ayaa heysata khiyaar kale oo ay qaadan karto.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa u arka 23 jirka reer Norway ee Normann mid lagu heli karo qiimo jaban islamarkaana buuxin kara booska ay ku fashilmeen Fred iyo Matic kaddib markii uu kooxda ka tagay Ander Herrera.

Khadka dhexe ee kooxda Rostov Normann ayaa si wanaagsan ku billowday xilli ciyaareedkan, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa bishii September ee Russian Premier League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan