Home / Cayaaro / Man United oo dooneysa saxiixa ciyaaryahan katirsan Everton

Man United oo dooneysa saxiixa ciyaaryahan katirsan Everton

Himilo FM –Manchester United ayaa  loo diiwaan galiyay inay xiisaynayso  saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton Idrissa Gueye xagaaga, sida ay sheegayaan wararka.

Ole Gunnar Solskjaer waa inuu xoojiyaa xulkiisa khadka dhexe ka dib markii Marouane Fellaini iyo Ander Herrera ay labadoodaba ka tageen kooxda muddo shan billood u dhaxaysa.

Bartimaameedyada kale ayaa  waxaa ka mid ah Tanguy Ndombele, Declan Rice iyo Adrien Rabiot, inkastoo Man United ay xoogga saareyso inay lasoo saxiixato garabka kooxda Swansea City Daniel James iyo daafaca dhexe.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Liverpool Echo iyo Manchester Evening News, Everton ayaa ku dooneysa 35 milyan oo ginni ciyaaryahanka khadka dhexe.

Man United ayaan dooneynin inay bixiso lacagtan, islamarkaana ay dooneyso inay iska illowdo haddii Everton ay diiddo inay qadariso qiimaheeda.

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa laba dalab u dirtay Gueye bishii Janaayo taa oo laga soo diiday , halka dalabka labaad  uu ahaa qiimo dhan  26 milyan oo ginni.

Idrissa haatan wuxuu heystaa seddex sanno oo ka harsan heshiiskiisa  Goodison Park.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan