Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheynayso ka bixitaanka wadahadallada ay kula jirto kooxda Sporting Lisbon ee ku saabsan khadka dhexe ee Bruno Fernandes.
Toddobaadkii tagay, United ayaa si weyn loola xiriiriyay ciyaaryahanka qaranka Portugal kaasi la tilmaamay in uu heshiis la gaaray kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska.
Si kasta, labada koox ayaa la soo wariyay inay isku-mari waayeen lacagta sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.
Marka la eego ESPN, United ayaan damacsaneyn inay ka soo baxdo dalabaadka kooxda Sporting Lisbon iyada oo ku adkeysaneysa adduun dhan £60 Milyan.
Wararka ayaa intaa raacinaya in United ku farraxsan tahay inay ka baxdo wadahadallada halkii ay ka bixin laheyd lacagaha dheeraadka ah.