Home / Cayaaro / Man United oo ka doorbiddeysa Maddison cayaaryahan kale

Man United oo ka doorbiddeysa Maddison cayaaryahan kale

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diiradda saarayso saxiixa kabtanka Aston Villa Jack Grealish iyada oo ka doorbiddeysa James Maddison.

Kooxda reer England ayaa la rumeysan yahay inay ku jirto suuqa iyada oo raadineysa cayaaryahan khadka dhexe ah iyo weeraryahan xagaaga inkasta oo uu jiro culeys xagga dhaqaalaha ah sabab la xiriirta xannuunka safmarka ah ee Karoona.

Man United ayaa muujisay xiisaha ay u qabto Maddison balse Manchester Evening News ayaa soo warineysa in Grealish uu ku jiro safka hore ee liiska cayaaryahannada uu doonayo tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Wadahadallada u dhaxeeya United iyo Villa ayaa billowday bishii Febraayo, waxaana tababare Solskjaer uu ku rajo weyn yahay in 24 jirka la keeno kooxdiisa.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan