Home / Cayaaro / Man United oo kalsooni ku qabta sii haysashada Tahith Chong

Man United oo kalsooni ku qabta sii haysashada Tahith Chong

Himilo- Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay weli kalsooni ku qabto inay awoodi doonaan inay sii hayaan adeega Tahith Chong.

In kasta oo xidiga ka soo baxay akadeemiga si weyn looga qadariyo garoonka Old Trafford, ninka reer Dutch waxaa la siiyay kaliya afar kulan oo kooxda koowaad xilli ciyaareedkan.

Xilli uu ka harsan yahay wax ka yar hal sano qandaraaskiisa, Chong ayaa haatan ka fiirsanaya xulashooyinkiisa, iyadoo Juventus ay sheegtay inay ka mid tahay kooxaha isha ku haya xaaladda.

Si kastaba, sida laga soo xigtay Metro, United ayaa weli dareemeysa inuu 19 jirkaani dooran doono inuu qalinka ku duugo heshiis cusub ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in United ay dareensan tahay in Chong ay ka heshay qibrad muhiim ah afartii bilood ee furitaanka ololaha.

Haddii uusan ogolaanin heshiis cusub ka hor dhamaadka sanadka, Chong wuxuu awood u yeelan doonaa inuu kala xaajoodo heshiis hordhac ah Naadiyada shisheeye.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan