Himilo FM –Ole Gunnar ayaa qandaraas gaarsiisan seddex xagaa qalinka ugu duugay naadiga United kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee xagaagan.
Tan ayaa ka dhigan in Ole oo Red Devils si kumeel gaar ah u leyliya uu hoggaanka rasmiga baaqi ku sii ahaan doono illaa dabayaaqada xagaaga 2022.
Kooxda Manchester United ayaa macallinka reer Norway ku abaal marisay qandaraaskan cusub oo xagaagii uu ku heli doono adduun lacageed dhan 7.5 million Pounds oo ah qadar ahaan nuska intii uu qadan jiray macallin Mourinho.
Manchester United ayaa immika booska shanaad kaga jirta kala horreynta horyaalka iyagoo urursaday 58 dhibcood, waxayna seddex dhibcood u jirtaa kooxda booska seddexaad ee Tottenham Hotspur.
Dhanka kale United ayaa wajahi doonta tartan adag marka Barcelona ay bisha soo aadan kula kulanto Siddeed dhammaadka Champions League.
Maamulka sare ee Manchester ayaa garwaaqsaday in Mauricio Pochettino oo kooxda diiradda u saarnaa aanu si sahlan ku iman karayn maadaama ay ku hor go’an tahay lacagta qandaraaskiisa lagu burburin karo oo dhan 50 million Pounds, taa oo ay u sii dheer tahay mushaarka qaaliga ee ay ku qasbanaan lahaayeen inay ugu yaboohaan.
Xaaladda dhaqaale ee ceynkaa oo kale ah waa tii dhammaadkii xagaagi tagay Bernabue ka kaxeysay Zidane, wallow kooxdan xaalku ku cuslaaday ay dib ugu yeerteen macallinkaas.
Allegri oo isna kooxda United ragga lala xiriiriyay kamida kaddib culeyskii soo wajahay ayaa immika ku kalsooni qaba Juve kadib markii guul soo laabasho ah uu ka gaaray Atletico Madrid. Antonio Conte ayaa isna u muuqday mid aan qorsheyneyn inuu xagaaga soo aadan dib ugu laabanayo horyaalka Ingiriiska oo dhawaan laga eryay.
Qandaraas kordhintan ayaa ka dhigan tii ahowaan Barcelona ay u samaysay leyliyaheeda Valverde, waxaana suragal ah in macallinka uu kalsoonida uu dhaxlo guulo dheeri ah kooxda gaarsiiyo.
Ole ayaa hoggaamiyay United 19 kulan, wuxuu guuldarreystay 3 goor, 2 barbaro iyo 14 guul ayaa u wehliya. Naadiga ayaa intaa ku dhalisay 40 gool halka 17 gool laga dhaliyay.
Solskjær ayaa durba kooxda ka dalbaday inay la soo saxiixdaan danbeed middig iyo garab khad dhexe.