Home / Cayaaro / Man United oo ku guuldareysatay inay kordhiso heshiiska ammaahda ee Ighalo

Man United oo ku guuldareysatay inay kordhiso heshiiska ammaahda ee Ighalo

Himilo – Manchester United ayaa ku guuldareysatay inay kordhiso heshiiska ammaahda ah ee weeraryahanka Shanghai Shenhua Odion Ighalo.

Iyada oo laacibka reer Nigeria uu dhaliyay afar gool siddeed kulan tan iyo markii uu yimid kooxda bishii Janaayo, United ayaa xiiseynaysay inay dheereyso heshiiska cayaaryahanka illaa dhammaadka xilli cayaareedka.

Si kasta, wargeyska The Sun ayaa tilmaamaya in kooxaha Man United iyo Shanghai Shenhua ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis ku saabsan Odion Ighalo, taasi waxay ka dhigan tahay in uu ku laabanayo Shiinaha.

Isaga oo ku soo koray Man United, cayaaryahankii hore ee Watford ayaa shaaciyay in uu jeclaan lahaa in wakhti badan ku qaato Old Trafford.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan