Home / Cayaaro / Man United oo ku kalsoon inay ceshan karto Pogba

Man United oo ku kalsoon inay ceshan karto Pogba

Himilo – Manchester United ayaa la soo warinayaa inay kalsooni badan ku qabto fursadda ay ku ceshan karto Paul Pogba dhammaadka xilli cayaareedkan.

Mustaqbalka Pogba ee Man United ayaa su’aalo badan laga keenay iyada oo uu laacibka ka soo muuqday 8 kulan dhammaan tartamada oo idil sabab la xiriirta dhaawacyo.

Real Madrid ayaa in muddo ah xiiseynaysay 27 jirka xilli Juventus ay dooneyso inay Pogba dib ugu celiso Turin halka  Paris Saint-Germain ay qiimeynayso xaaladda.

Si kasta, ESPN ayaa soo warineysa in United shaki weyn ka qabto in kooxaha doonaya Pogba ka soo bixi karaan qiimaha lacageed ee uu ku fadhiyo.

Qandaraaska Pogba ee Old Trafford ayaa ku eg xagaaga soo socda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan