Home / Cayaaro / Man United oo lacag badan ku dooneysa Declan Rice

Man United oo lacag badan ku dooneysa Declan Rice

Himilo FM – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay jebiso bankiga si ay u keento ciyaaryahanka khadka dhexe West Ham United ee Declan Rice si uu ugu biiro Old Trafford xilli ciyaareedka 2019-2020.

Rice ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay West Ham xilli ciyaareedkan, waxaana uu labo jeer u ciyaaray England intii lagu jiray fasaxii caalamiga ahaa ee Maarso.

Bishii lasoo dhaafay United ayaa soo bandhigtay dalab 35 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso 20 sanno jirkan, kaasi oo dhawaan saxiixay qandaraas cusub oo uu muddo dheer kula sii joogayo Hammers.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Independent, United ayaa isku diyaarineysa dalab lacageed oo weyn oo loogu tala galay ciyaaryahankan kaasi oo dhaliyay labo gool 33 kulan oo uu u saftay West Ham xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Red Devils ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu ka harsan yahay £ 200m si uu ugu kharash gareeyo saxiixyo cusub marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan