Himilo FM –Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay si dhab ah uga fiirsaneyso u dhaqaaqista goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak si uu ugu beddelo David de Gea.
26 jirkan ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah goolhayaasha ugu fiican adduunka, waxaana dhawaan uu saxiixay heshiis wakhti dheer oo uu kula sii joogayo Atletico oo illaa 2023-ka.
Heshiiska ugu danbeeya ee lagu buruburin karo qandaraaska Oblak ayaa ah £ 104m, sida laga soo xigtay ESPN, United ayaa u aragto qiimahaasi mid ay ku iibsan karaan xiddiga reer Slovenia.
De Gea ayaa lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain, waxana hoos u dhac uu ku yimid bandhiggiisa toddobaadyadii la soo dhaafay.