Home / Cayaaro / Man United oo loo sheegay lacagta lagu heli karo Ansu Fati

Man United oo loo sheegay lacagta lagu heli karo Ansu Fati

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay inay la yimaadaan adduun dhan £153m haddii ay doonayaan saxiixa weeraryahanka Barcelona Ansu Fati inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Kooxda Red Devils ayaa si weyn loola xiriiriyay 17 jirka laakiin sida laga soo xogtay The Times, Barcelona aaa fasaxeysa cayaaryahanka keliya marka lala yimaado lacagta lagu dalbanayo.

Laacibka qaranka 21 jirrada Spain ayaa sameeyay bandhig wanaagsan xilli cayaareedkan isaga oo dhaliyay lix gool islamarkaana sameeyay hal caawin 25 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Qandaraaska Fati ee Camp Nou ayaa ku eg xagaaga 2022-ka inkasta oo kooxda reer Catalan ay fursad u heysato kordhinta heshiiska laacibka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan