Home / Cayaaro / Man United oo mar kale kormeer ku samaysay laacib katirsan Lyon

Man United oo mar kale kormeer ku samaysay laacib katirsan Lyon

Himilo- Indha indheeyayaal ka socday Manchester United ayaa goob joog  ka noqday  kulanka ay Lyon isbuucan wajahayeen kooxda Saint-Etienne si ay u daawadaan weeraryahanka Moussa Dembele .

Iyada oo kooxda ka ciyaarta Premier League ay ku guul darreysatay inay beddel u hesho booska  midkood Alexis Sanchez ama Romelu Lukaku xagaagii, balse waxaa jirta rabitaan ah in la keeno weeraryahan cusub billowga sannadka 2020.

Iyadoo weeraryahanka Juventus Mario Mandzukic uu u muuqday  mid aadaya dhanka Old Trafford, United ayaa umuuqata inay wali indhaha ku heyso saxiix kale oo dooqa seddexaad ah.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda Ingiriiska waxay wakiilo ka socda joogeen kulankii Lyon ay  guuldarada 1-0 ka soo gaartay Saint-Etienne habeenkii Axadda.

Si kastaba ha noqotee, inkasta oo uu horay u dhaliyay lix gool xilli ciyaareedkan, xiddiga reer France ayaa dhaliyay 26 gool 52 kulan oo uu  saftay tartamada oo dhan tan iyo markii uu ka tagay kooxda Celtic bishii August 2018.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan