Home / Cayaaro / Man United oo mar kale muujisay xiisaha Kalidou Koulibaly

Man United oo mar kale muujisay xiisaha Kalidou Koulibaly

Himilo – Manchester United ayaa soo cusbooneysiineysa xiisaha daafaca Napoli Kalidou Koulibaly sida ilo-wareedyo madax bannaan laga soo xigtay.

The Red Devils ayaa si weyn loola xiriiriyay 29 jirka suuq furankii hore. Si kasta, Gazzetta dello Sport ayaa tilmaameysa in Napoli ku qasban tahay in ay dhinto lacagta ay ku dooneyso cayaaryahanka.

Wararka ku saabsan mustaqbalka Koulibaly ayaa si weyn u soo baxayay toddobaadyadii danbe iyada oo Newcastle United iyo Chelsea lala xiriiriyay laacibka.

Manchester City ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay u dhaqaaqi karto laacibka oo loo oggolaan doono in uu ka tago Napoli kahor ol-olaha 2020-21.

Ceccarini ayaa caddeeyay in kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer dooneyso u dhaqaaqista cayaaryahanka reer Senegal suuq furanka xagaaga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan