Muqdisho – Kadib markii Sabtigii ay barbaro 2-2 ah la gashay Leicester City, the Reds ayaa indha ku heysa in ay kusoo laabato waddada guulaha marka ay u safraan Burnley kulan ka tirsan Boxing Day.
Manchester City ayaa hadda horyaalka ku hogaamineysa 13 dhibcood oo nadiif ah, wiilasha Jose Mourinho ayaana ah kuwa kusoo xiga dhibco ahaan waxeyna isku dayi doonaan in dhibcaha kasoo fara maroojiyaan Burnley iska markaana ay ka war sugaan kulanka habeen danbe ay ciyaari doonto Man City.
Burnley, ayaa qasaaro 3-0 kala kulantay kooxda Tottenham Hotspur, hayeeshee Sean Dyche ayaa isku dayi doona in uu dhibco kusoo helo Masraxa riyada.
United waxaa ka maqnaan doona, Chris Smalling – kaas oo kusoo bilaawda 13-kii kulan ee ugu danbeeyey kulamada Horyaalka – Eric Bailly ayaa is ka maqnaan doonta safka Man Utd difaaca midige Antonio Valencia uu shaki ku jiraa ka dib markii uu seegay labadii kulan ee ugu danbeysay wuxuuna ku maqnyahay dhaawac muruqa ah. Tababare Mourinho ayaan rajeyn doonin in Michael Carrick uu soo muuqdo kadib markii uu naadiga kaga maqnaa dhaawac muddo dheer, halka Marouane Fellaini uu ku dhow yahay in uu dib ugu soo laabto naadiga.
Dhanka Burnley, difaaca tayada sare leh ee James Tarkowski kadib markii la dil dhigay ganaax saddex kulan ah, halka Chris Wood uu shaki ku jiraa ka dib markii la bedelay qeybtii hore ee kulankii Tottenham. Weeraryahanka ayaa dhaawacmay ka dib markii uu shil la galay Hugo Lloris. Ciyaaryahankii hore ee Reds Tom Heaton (garabka bidix) iyo Robbie Brady (jilib) ayaa muddo dheer garoomada ka maqnaa, halka daafaca garabka bidix Stephen Ward uu weli ku jiro kasoo kabsashada dhaawac jilibka ah.
Ma ogtahay?
Manchester United lagama badin kulan ka tirsan horyaalka iyadoo la ciyaareysa Burnley tan iyo September 1962 (2-5), winning eight and drawing five since.
Manchester United ayaan laga badin 13 kulan oo ay kulamada horyaalka Burnley kula ciyaartay Old Trafford tan iyo markii 5-2 kaga badisay September 1962.
Clarets ayaa kaliya diiwaan gashatay kaliya hal guul 23 kulan oo minan iyo martiba ay ciyaartay (D9, L13).
Man Utd ayaa guuleysatay 19 kamid ah 23 Premier League oo ay ciyaartay kulamada Boxing Day, boqolkiiba waa kuwa ugu fiican (83%).
United ayaan laga badin 16kulan oo ay ku ciyaartay gurigeeda kulamada Boxing Day (W14 D2), tan iyo markii ay guul daro 0-3 kasoo gaartay Liverpool sanadkii 1978.
Guuldarada kaliya ee United ku soo gaartay Old Trafford 42-dii kulan ee ugu danbeysay waxey kala kulantay Manchester City horaantii bishaan.
Dhibcaha 13-ka ah ee u dhexeeya City iyo United ayaa ah kan ugu weyn ee udhaxeeya labada kooxood ee ugu sareeya horyaalka marka lajoogo ciidda Christmas-ka taariikhda kubada cagta Ingariiska.
Both of Jose Mourinho’s home meetings with Burnley have ended as draws: 0-0 last season and 1-1 with Chelsea in February 2015, with his side having a player sent off on both occasions.
Waa kuma garsooraha?
Dhex dhexaadiyaha ciyaartan, wuxuu noqon doonaa, Martin Atkinson uu 31 garsoore ka noqday kulamo ay ciyaareyso United, Reds ayaana badisay 18 ka mid ah kulamadaas. Kaaliyeyaashiisu waxay noqon doonaan Stephen Child iyo Harry Lennard, halka sarkaalka afaraad uu noqon doono Lee Mason. Atkinson ayaa sidoo kale dhex dhxaadiye ka ahaa kulan Boxing Day ahaa sannadkii hore oo Man Utd ay 3-1 kaga badisay Sunderland, waxaa lagu xasuustaa goolkii uu dhaliyey Henrikh Mkhitaryan ee ciribta ahaa.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.