Home / Cayaaro / Man United oo mushaarka u laba jibaareysa Ander Herrera

Man United oo mushaarka u laba jibaareysa Ander Herrera

Himilo FM – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay laba jibaareyso mushaarka  ciyaaryahanka khadka dhexe Ander Herrera.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa qandaraaskiisa uu ka harsan yahay seddex billood, waxaana lagu soo waramayaa in ciyaaryahanku u badan tahay inuu ku biiro Paris Saint-Germain.

Herrera ayaa sidoo kale hore u sheegay in United aysan dooneynin inay qaabilaan dalabaadka mushaharkiisa laakiin sida laga soo xigtay Forbes, kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ayaa dadaal badan u gashay inay sii haysato 29 jirkan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in United ay diyaar u tahay inay bixiso mushaarka Herrera oo ah 200 kun ginni isbuucii halka sidoo kale ciyaaryahanka lagu abaal marinayo  heshiis afar sanno ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la soo jeediyay in wakiilka Herrera uu codsaday qandaraas shan sanno ah oo uu laacibka qaadanayo £ 300,000 toddobaadkii.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan