Home / Cayaaro / Man United oo qorsheyneysa inay £ 120 milyan ku hesho labo laacib

Man United oo qorsheyneysa inay £ 120 milyan ku hesho labo laacib

Himilo- Manchester United ayaa ka fiirsaneyso inay £ 120 milyan ginni ku dalbato labada xiddig ee reer Argentina Lautaro Martinez iyo Leandro Paredes.

Tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa bisha Janaayo ka dib qaab xun oo qeybtii hore ee xilli ciyaareedka la yimaadeen  taasoo keentay inay badiyaan kaliya lix ka mid ah 16kii kulan ee furitaanka horyaalka.

Ciyaartoyda sida Erling Braut Haaland iyo Jadon Sancho ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan Old Trafford, The Mirror ayaa warinaysa in kooxda heysata 20ka jeer Horyaalka England ay ku dartay liiskooda Martinez iyo Paredes.

Martinez ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican qaarada yurub isagoo dhaliyay sideed gool oo Serie A ah iyo shan Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana la fahamsan yahay inuu u furan yahay inuu  dhaqaaqo ka dib markii Inter Milan ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo wareega 16ka CL. .

Barcelona ayaa u aragto Martinez inuu yahay bedelka mustaqbalka fog ee Luis Suarez, laakiin United ayaa isku dayi doonta inay ku garaacdo kooxda reer Spain 22 jirka bisha Janaayo.

Paredes ayaa xor u noqon kara inuu ka tago Paris Saint-Germain ka dib markii uu ku guul darreystay inuu ka shaqeeyo qorshaha Thomas Tuchel ee Parc des Princes, isagoo u saftay kaliya afar kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan