Home / Cayaaro / Man United oo u dhaqaaqaysa laacib katirsan Paris Saint-Germain

Man United oo u dhaqaaqaysa laacib katirsan Paris Saint-Germain

Himilo FM –Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarinayaan ku qarash garreynta £262m laacibka weerarka ugu ciyaara kooxda Paris Saint-Germain Neymar marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Real Madrid ayaa wakhti dheer lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayso Neymar, halka Barcelona ay abuureen xiisa ah inay dib ugu soo celinayaan Camp Nou xiddiga heerka caalaami ee dalka Brazil.

Si kastaba, madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa dhawaan qirtay in kooxdiisa ay ku adag tahay dib u soo celidda weeraryahnka.

Sida ay werisay Don Balon, Ole Gunnar Solskjaer oo si wacan ugu guuleystay shaqada tababarnimo kooxda Man Utd ayaa Neymar u arka mid naadiga ka caawin kara dib ugu soo laabashada sumcadda qaaradda Yurub.

Warbixino isku mid ah ayaa sheegaya in Red Devils ay diyaarinayaan lacago badan oo noqon kara mid dunida rikoor cusub ka sameyn kara gaar ahaan suuqa marka ay la saxiixdaan weeraryahanka lacagahaasi oo ah £262m.

27 jirkan ayaa dhaliyay 105 gool kaddib markii uu kooxda kasoo muuqday 186 kulan intii u dhaxeysay 2013 and 2017  oo uu joogay Barcelona kahor inta uuna dhameystirin kooxda PSG xagaagii 2017.

Laacibkaan kasoo jeeda koonfurta Ameerika ayaa 48 jeer shabaqa soo taabtay 53 kulan oo uu kasoo muuqday PSG tan iyo markii uu yimid naadiga, laakiin wakhti dheer mustaqbalkiisa caasimadda France ayaa u muuqday mid laga hadalhayay marxaladda suuqa kala iibsiga.

Neymar ayaan qeyb ka aheyn guushii 2-0 oo ay PSG ka gaareen United isbuucii lasoo dhaafay tartanka Champions League isaga oo weli ku jira soo kabasho dhaawac kasoo gaaray cagta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan