Home / Cayaaro / Man United oo u dhaqaaqday daafac katirsan Ac Milan

Man United oo u dhaqaaqday daafac katirsan Ac Milan

Himilo FM –Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u gudbisay daafaca kooxda AC milan Davide Calabria.  United ayaa si lama filaan ah waxay ugu dhaqaaqday daafaca ka ciyaaro dhanka middig, waxayna dooneysaa inay beddal uga dhigto Antonio Valencia kaas oo kooxda United ka dhaqaaqi doono dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxd PSG ee lagu magacaaboThomas Meunier iyo daafaca kooxda Crystal Palace Aaron Wan-Bissaka ayaa sidoo kale waxaa lala xiriirinayay kooxda United inay ku soo biiriso garoonka Old Trafford marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee Calciomercato ayaa warineyso in kooxda shayaadiinta ay diirada saari doonto qaabkii ay kooxda  Ac Milan xiddigooda ay heshiis cusub ula gaari laheyd, si ay ugu soo biiriso horyaalka Premier league  xilli ciyaareedka 2019-2020.

22 jirkan ayaa heshiiska uu ku joogo garoonka San Siro waxa uu ku egyahay  xili ciyaareedka 2022, waxaana uu kooxdiisa u dhaliyay keliya hal gool isagoo caawiyay hal gool oo kale 32 kulan oo uu ka soo muuqday safka kooxda xili ciyaareedkan.   

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan