Home / Cayaaro / Man United oo u dhaqaaqeysa Jack Grealish bisha Janaayo

Man United oo u dhaqaaqeysa Jack Grealish bisha Janaayo

Himilo- Manchester United ayaa miisaameysa inay bisha Janaayo lasoo wareegto weeraryahanka Aston Villa Jack Grealish.

Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta sideedaad ee kala sarreynta Premier League iyagoo leh 25 dhibcood, taasoo ah wadarta ugu xumeyd ka dib 18 kulan oo ay ciyaareen taariikhda.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa inay firfircoonaan doonto suuqa kala iibsiga xilliga qaboobaha iyadoo ciyaartoy dhowr ah lala xiriirinayo inay u dhaqaaqayaan Old Trafford.

Sida laga soo xigtay ESPN, Grealish ayaa bartilmaameed u ah kooxda 20-ka horyaal ee Ingiriiska haysata, kuwaas oo doonaya inay sii kordhiyaan qadka dhexe ka dib bixitaankii dhowaa ee Marouane Fellaini iyo Ander Herrera.

Grealish, oo xirta kabtanimada Villa, ayaa dhaliyay shan gool isla markaana afar ka caawiyay 16 kulan oo Premier League ah inta uu socdo xilli ciyaareedka 2019-20.

24 jirkan – oo sidoo kale la rumeysan yahay inuu bartilmaameed u ahaa Tottenham Hotspur – ayaa qandaraas kula jira Villa Park ilaa xagaaga 2023, isagoo kooxda Dean Smith ka dhigaya meel gorgortan adag leh.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan