Man United oo u dhaqaaqeysa Jack Grealish bisha Janaayo

Himilo- Manchester United ayaa miisaameysa inay bisha Janaayo lasoo wareegto weeraryahanka Aston Villa Jack Grealish.

Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta sideedaad ee kala sarreynta Premier League iyagoo leh 25 dhibcood, taasoo ah wadarta ugu xumeyd ka dib 18 kulan oo ay ciyaareen taariikhda.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa inay firfircoonaan doonto suuqa kala iibsiga xilliga qaboobaha iyadoo ciyaartoy dhowr ah lala xiriirinayo inay u dhaqaaqayaan Old Trafford.

Sida laga soo xigtay ESPN, Grealish ayaa bartilmaameed u ah kooxda 20-ka horyaal ee Ingiriiska haysata, kuwaas oo doonaya inay sii kordhiyaan qadka dhexe ka dib bixitaankii dhowaa ee Marouane Fellaini iyo Ander Herrera.

Grealish, oo xirta kabtanimada Villa, ayaa dhaliyay shan gool isla markaana afar ka caawiyay 16 kulan oo Premier League ah inta uu socdo xilli ciyaareedka 2019-20.

24 jirkan – oo sidoo kale la rumeysan yahay inuu bartilmaameed u ahaa Tottenham Hotspur – ayaa qandaraas kula jira Villa Park ilaa xagaaga 2023, isagoo kooxda Dean Smith ka dhigaya meel gorgortan adag leh.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan