Home / Cayaaro / Man United oo u safartay Jarmalka si ay ula kulmaan Ralf Rangnick

Man United oo u safartay Jarmalka si ay ula kulmaan Ralf Rangnick

Himilo- Manchester United ayaa kulan dheer la qaadatay Ralf Rangnick si ay uga wada hadlaan doorka kooxda, sida laga soo xigtay The Athletic.

Ku-xigeenka madaxa fulinta ee Red Devils, Ed Woodward, ayaa lagu soo waramayaa inuu u diray sarkaal United ah si uu Rangnick kala hadlo inuu noqdo Agaasimahooda kubada cagta.

United ayaa raadineysay agaasime farsamo balse Ciyaartoydii hore ee United Edwin van der Sar iyo Rio Ferdinand ayaa sidoo kale lala xiriiriyay doorka.

Rangnick hadda waa madaxa isboortiga iyo horumarka ee Red Bull ,61-jirka ayaa macalin u ahaa RB Leipzig xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka hor inta uusan qaadan doorkiisa haatan ee Red Bull xagaaga.

Rangnick waxaa loo tixgaliyay shaqada maamulka kooxda Bayern Munich, laakiin waxaa la fahansan yahay inuu ka dhamaan doono xagaaga.

Bedelkeeda Bayern ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto Arsene Wenger qandaraas ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si uu  u noqdo tababarahooda xiga.

. 70 jirkii hore ee kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la yeelan doona madaxa guud ee kooxda Bayern Karl-Heinz Rummenigge isbuucaan ka dib markii uu soo if baxay inuu yahay ninka ugu cadcad ee bedelaya Niko Kovac kaasoo shaqada laga ceyriyay Axadii ka dib guuldaradii 5-1 ee ka soo gaartay Eintracht Frankfurt.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan