Home / Cayaaro / Man United oo u sheegtay Sancho booska uu ka cayaarayo

Man United oo u sheegtay Sancho booska uu ka cayaarayo

Himilo – Manchester United ayaa ku war-gelisay Jadon Sancho in uu xeran doono tirsiga 7 ee kooxda islamarkaana uu ka cayaari doono booska uu jecel yahay haddii uu kaga soo biro kooxda Borussia Dortmund.

The Red Devils ayaa rajeynaysa in heshiis la gaarto Dortmund si ay ula soo wareegto Sancho oo ah bartilmaameedkeeda ugu weyn.

Manchester United ayaa diidan inay bixiso £110m oo ah dalabka lacageed ee cayaaryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Sancho ayaa si weyn loola xiriiriyay Man United oo ku qasban inay oggolaato lacag badan kaddib markii ay u soo gudubtay Champions League.

Si kasta, sida laga soo xigtay Duncan Castles of The Transfer Window Podcast, Dortmund ayaa ku dooneysa £100m cayaaryahanka 20 jirka ah.

Sancho ayaa hadda heysta qandaraas labo sanno ah taasi oo dhigeysa Dortmund boos ay ku qiimeynayso mustaqbalka cayaaryahanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan