Home / Cayaaro / Man United oo u weecatay khadka dhexe ee Tottenham

Man United oo u weecatay khadka dhexe ee Tottenham

Himilo FM – Manchester United ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe Tottenham Hotspur ee Eric Dier.

Tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rajeynayaa in uu dhowr xiddig kusoo kordhiyo kooxda kaddib xilli ciyaareed niyad jab ah oo uu la qaatay 2018-19.

United ayaa durbadiiba lala xiriirinayay dhowr ciyaaryahan oo Premier League ah oo ay ka mid yihiin Declan Rice, Toby Alderweireld iyo Aaron Wan-Bissaka balse Football Insider ayaa soo jeedineysa in Dier uu sidoo kale diiradda u saaran yahay.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa United lala xiriirinayey labo sanno ka hor, laakiin Spurs ayaa ka caga diiday in ganacsi toos ah la sameyso Man Utd.

Khad dhexahan Dier ayaa 200 kulan u saftay Spurs tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting Lisbon 2014-ki, 24 kamid ah kulamadaas waxay ahaayeen xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan