Home / Cayaaro / Man United oo ugu cadcad saxiixa James Maddison

Man United oo ugu cadcad saxiixa James Maddison

Himilo- Manchester United ayaa u  muuqata inay ugu cadcadahay saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Leicester City James Maddison.

Isagoo kudarsaday shan gool iyo seddex caawinaad ah 15 kulan oo Premier League uu saftay xilli ciyaareedkan, Maddison ayaa mar kale soo jiidanaya xiisaha kooxo badan oo waa weyn.

Leicester ayaa la sheegay inay ka jawaabayso wararkaas la isla dhexmarayo iyagoo u usoo bandhigaya  kubadsameeyahan qandaraas cusub oo waqti dheer ah oo ka dhaca garoonka King Power.

Si kastaba Sky Bet ayaa weli dareensan inuu 23-sano jirkan u dhaqaaqi karo Old Trafford bilowga 2020.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa weli seddex sano iyo bar ka hartay qandaraaskiisa haatan ee Leicester.

Brendan Rodgers ayaa xaqiijiyay inuusan u ogolaan doonin ciyaartoy kasta oo muhiim ah inuu ka tago King Power bisha soo socota, qandaraas cusub oo Maddison uu ku joogo Leicester ayaana ku jira qoshahiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan