Home / Cayaaro / Man United oo ugu danbeyn soo gaba gabayneysa xaaladda David de Gea

Man United oo ugu danbeyn soo gaba gabayneysa xaaladda David de Gea

Himilo – Goolhayaha Manchester United David de Gea ayaa diyaar u ah inuu qalinka ku duugo heshiis uu ku qaadanayo 350 kun ginni isbuucii.

28 jirkan mustaqbalkiisa  Old Trafford ayaan caddeyn dhowr billoodba ka dib markii lagu eedeeyay inuu diiday labo dalab oo ka yimid Red Devils.

Wargeyska The Mirror ayaa soo jeedinaya in United ay aqbashay inay bixiso lacagta uu dalbanayo xiddigan si uu u sii joogo Old Trafford muddo dheer.

Heshiis shan sanno ah ayaa la sheegay in loo soo bandhigay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, kaasoo la filayo inuu saxiixo maalmaha soo aadan si uu u noqdo goolhayaha ugu mushaarka badan caalamka.

28 jirkan ayaa haatan  qaata £ 200,000 toddobaadkii Laakiin De Gea ayaa markii hore doonayay inuu la mushaar noqdo Alexis Sanchez kaasoo qaata  qiyaastii 500 kun ginni isbuucii tan iyo markii uu ka soo wareegay Arsenal.

United ayaa sidoo kale heshiis la gaartay Marcus Rashford, Andreas Pereira iyo Axel Tuanzebe toddobaadkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan