Himilo- Manchester United ayaa xiriir rasmi ah la sameysay wakiilka Arturo Vidal oo ku aadan suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Chile ayaa la sheegay inuu u furan yahay inuu ka tago Barcelona ka dib markii uu seddex kulan kaliya uu ku bilowday La Liga ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.
United ayaa muddo dheer xiiseyneysay Vidal, iyadoo kooxda ay si aad ah isha ugu heysay ciyaaryahanka khadka dhexe xagaagii 2014, kaliya Bayern Munich ayaa xaqiijisay saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay FcInterNews, United ayaa la xiriirtay wakiilka Vidal ee Fernando Felicevich sida ay macquul u tahay inuu u dhaqaaqo.
Kooxda ayaa horey xiriir shaqo ula leh Felicevich, kaasoo qeyb ka ahaa u dhaqaaqistii Alexis Sanchez ee Old Trafford bishii Janaayo 2018.
Barcelona ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay wadahadalo la yeelato Vidal bisha Janaayo madaama khadka dhexe ay isku hayaan xidigo badan , 7 ciyaartoy ayaa u tartamayaan seddex boos.