Home / Cayaaro / Man United oo wakiilka Pogba ku wargelisay qiimaha ugu yar ee lagu iibin karo

Man United oo wakiilka Pogba ku wargelisay qiimaha ugu yar ee lagu iibin karo

Himilo FM –Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku wargelisay wakiilka Paul Pogba Mino Raiola in laacibka lagu iibin doonin qiimo ka hooseeya 130 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France xagaagan.

United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso in Pogba laga dhigo kabtanka kooxda si looga dhaadhiciyo 26 jirkan inuu sii joogo naadiga inkastoo xiiso ay ugu imaanayaan Real Madrid.

Sida laga soo xigtay wargeyska Marca, Red Devils ayaa u furan inay iibiso xiddigan laakiin kooxda heysata horyaalka Yurub ee Real ayaa dooneysa in dalab intaasi ka yar ay ku iibsato.

Solskjaer ayaa dhawaan ku adkeystay in United ay isku dayi doonto sii heysashada ciyaaryahanka khadka dhexe xagaagaan laakiin waxaa la soo warinayay in xiriirka labada ciyaaryahan uu sii xumaanayo.

Pogba ayaa shabaqa soo taabtay 16 jeer 41 kulan oo uu u saftay United xilli ciyaareedkan, waxaana uu sidoo kale sameeyay 11 gool.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan