Himilo- Manchester United ayaa weli xiiseyneyso inay la soo saxiixato daafaca kooxda Stoke City Nathan Collins.
Red Devils ayaa lala xiriirinayay inay lasoo wareegeyso 18 sanno jirkan, kaasoo kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxda Potters billowgii bishii Abriil, intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.
Collins ayaa ugu dambeyntii sii joogay garoonka bet365 Stadium, waxaana da ‘yarkan uu saftay afar kulan oo Championship-ka ah xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay ESPN FC, inkasta oo ay ku guuldarreysteen inay helaan xagaaga daafaca dambeedka dhexe, United ayaa weli xiiseyneysa inay 19 jirka xulka Republic of Ireland keento Old Trafford.
Collins ayaa la rumeysan yahay inuu shaqsi ahaan u soo jeedinayo xiddigii hore ee khadka dhexe ee United Darren Fletcher, kaasoo sida la sheegay si dhaw u daawanayay isaga intii uu joogay Stoke.
Kooxda Ole Gunnar Solskjaer, oo ku jirta kaalinta afaraad ee kala sarreynta Premier League, ayaa habeenka Khamiista furi doonta kulankooda ugu horreeya ee Europa League Group-ka L ee ay la leeyihiin Astana.