Home / Cayaaro / Man United oo xiriir la sameyn karta Ivan Rakitic

Man United oo xiriir la sameyn karta Ivan Rakitic

Himilo – Manchester United ayaa la soo warinayaa inay xiiseynayso saxiixa khadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic kahor dhammaadka suuq furanka bishan.

Xilli United ay soo gabagabeysay heshiiska Bruno Fernandes oo kaga soo biiraya Sporting Lisbon, waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda horyaalka Ingiriiska dooneyso in cayaaryahanno cusub lagu soo daro kooxda.

Shaki badan ayaa ka taagan mustaqbalka cayaaryahanka Rakitic oo xilli cayaareedkan aan inta badan ka soo muuqan shaxda Barcelona.

Marka la eego ESPN, United ayaa muujisay suurtagalnimada saxiixa cayaaryahanka reer Croatia maalmaha soo socda.

Si kasta, warbixinnada ayaa tilmaamaya in Rakitic uu daneynayo sii joogista Spain illaa xagaaga, taasi oo meesha ka saareysa in bishan lala wareego.

Qandaraaska 31 jirka ee kooxda reer Catalan ayaa ku eg muddo 18 billood gudaheed ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan