Home / Cayaaro / Man Utd oo dib ugu soo laabatay xiisaha Perisic

Man Utd oo dib ugu soo laabatay xiisaha Perisic

Himilo FM – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto Ivan Perisic kaddib markii ay oggaadeen in Inter Milan diyaar u tahay inay iibiso garabkan.

Jose Mourinho ayaa isku dayay inuu la soo saxiixdo xiddiga reer Croatia xagaagii lasoo dhaafay, iyadoo United ay dooneyso inay mar kale dalab u dirto.

Perisic ayaa ciyaaray koobka adduunka isaga oo xulkiisa gaarsiiyay kama dameysta koobka, waxaana markaasi kordhay qiimaha lagu heli karay oo ay  Red Devils dooneysay in la wareegto, taasi oo la micno ah in xiddigan uu baaqi ku sii ahaaday San Siro.

Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in United ay ku soo laaban karto 29 jirkan, si kastaba ha ahaatee, Nerazzurri ayaa u furan inay beeciso laacibkan.

Inter ayaa lagu soo waramayaa inay indhaha ku hayaan xiddiga PSV Eindhoven Steven Bergwijn, halka Anthony Martial uu yahay damac uu Jose Mourinho ku doonayay in bedel uu kaga dhigo Perisic xagaagii lasoo dhaafay.

Perisic ayaa bandhig xuma ka sameeyay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay  keliya shan gool.

About Mahad Mohamed

3 comments

  1. priligy review members But their willingness to vote now shows that a three waydeadlock that has dragged on for months and put the future ofthe computer maker in jeopardy may yet be broken, even though onWednesday postures of the buyout group and the special committeeonly hardened more

  2. Bumetanide Bumex for edema associated with congestive heart failure, hepatic and renal disease, including the nephrotic syndrome IV bolus dose is 0 cost of cytotec without a prescription Not indicated for pediatric use

  3. Hello again everybody, and welcome back where should i buy propecia This is absolutely metoprolol succ blood pressure systolic diastolic 50 mg impossible

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan