Home / Cayaaro / Man Utd oo tartan culus kala kulmeysa doonista Raphael Varane

Man Utd oo tartan culus kala kulmeysa doonista Raphael Varane

Himilo FM –Daafaca Real Madrid Raphael Varane ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay inka badan afar kooxood kuwaasi oo doonaya inay soo qaataan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Varane ayaa haatan ku jira xilli ciyaareedkiisii seddeexaad ee Bernabeu laakiin waxaa lagu soo waramayaa in  25 jirkan uu diyaar u yahay in uu ku biiro koox cusub..

Manchester United ayaa si aad ah loola xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, laakiin sida laga soo xigtay Sport, kooxda ka dhisan Premier League ayaa tartan kala kulmi doonta kooxaha ay ku xafiiltamaan ee Yurub.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Paris Saint-Germain, Juventus iyo Bayern Munich ay dhammaantood isha ku hayaan xaaladda ka hor inta aysan u dhaqaaqin dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Varane ayaa weli heysta seddex sanno oo kaga harsan yahay qandaraaskiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan