Home / Cayaaro / Man Utd oo u dhaqaaqday laacib ammaah kaga maqan Chelsea

Man Utd oo u dhaqaaqday laacib ammaah kaga maqan Chelsea

Himilo FM– Manchester United ayaa la sheegayaa inay diiradda saareen xiddiga daafaca kaga ciyaara Chelsea ee Reece James..

James ayaa hadda kamid ah kuwa da’yarta ee naadiga Blues, waxa uu horyaalka heerka labaad ee England kasoo muuqday 42 ciyaarood xilli ciyaareedkan isaga oo ammaah ku jooga Wigan Athletic.

Horraantii isbuucan, hadalo ayaa sheegayay oo ahaa in kooxda Brighton & Hove Albion ay ku dalbadeen barbaarkan  £10m oo Gini balse waa laga diiday inay helaan 19-jirkan.

Si kastaba, sida ay ku warameyso Daily Mail ayaa laga yaabaa inay diido dalabka hadda kasoo cusboonaaday United, kooxda Red Devils ayaa laga yaabaa inay ku dalbadaan £15m oo Gini.

James ayaa heshiis cusub afar sanno ah u saxiixay Chelsea xagaagii lasoo dhaafay inkastoo oo uusan weli kasoo muuqan kooxda koowaad ee ka ciyaarta Premier League.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan