Home / Cayaaro / Manc City oo tartan kala kulmeysa soo qaadashada Julian

Manc City oo tartan kala kulmeysa soo qaadashada Julian

Himilo FM – Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dharbaaxsho kala kulmi doonto raadinta Julian Weigl iyadoo Paris Saint-Germain ay ku biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund.

Tababaraha PSG ee Thomas Tuchel ayaa 23 jirkan kala soo shaqeeyay Westfalenstadion ka hor inta uusan kooxda ka tagin 2017 isagoo ku biiray PSG sannad kaddib.

France Football ayaa tilmaamaysa in dib u midoobidda ku imaan karto in la bixiyo lacag, iyadoo Tuchel uu diyaar u yahay in uu soo qaato xiddiga Dortmund.

Man City ayaa la rumeysan yahay inay ku riyaaqsan yihiin xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, iyagoo doonaya inay beddel uga dhigaan Fernandinho.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan