Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo bisha January u dhaqaaqaysa hanashada laacibka Alexis Sanchez.
Arsenal's Alexis Sanchez

Manchester City oo bisha January u dhaqaaqaysa hanashada laacibka Alexis Sanchez.

Muqdisho – Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dalab weyn u dirto weeraryahanka Arsenal, Alexis Sanchez  marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha soo aadan.

28 jirkan ayaa qandaraaskiisa Emirates uu dhacayaa xagaagan, waxaana uu diiday inuu qandaraas cusub qalinka ku duugo isaga oo indhaha ku haya mustaqbal ka fiican midka uu hadda ku heysto Arsenal.

City ayaa ku dhawaatay inay heshiis la gaarto Sanchez  xagaagii lasoo dhaafay, waxa uu kamid ahaa laacibiintii ku dhawaaday inay ka tagaan kooxahooda, Gunners oo aan heysan baddelka Chilean-kan ayeyna ka dhigtay in ay heysato xiddigeeda.

Hoggaamiyaasha Premier League ayaa la filayay in ay mar kale u dhaqaaqaan bisha Janaayo – inkasta oo haatan lago qiimeeyo mid aad u jaban, waxaana haatan la filayaa inay soo ban-dhigaan dalab muhiim ah si ay tartan ula galaan kooxaha  kale sida; Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Arsenal ayaa weli ku adkeysaneysa inay u baahan tahay baddelka laacibkan ka hor inta aysan ka iibin City, lacag badan ayeyna dooneysaa in ay isaga ku iibiso.

Sanchez ayaa la fahamsan yahay inuu ka dalbanayo mushaar dhan £300,000 todobaadkii koox kasta oo xiiseyneysa adeeggiisa.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan