Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo doonaysa Sergio Busquets.

Manchester City oo doonaysa Sergio Busquets.

Muqdisho – Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa isha ku haya dib ula midoobidda xiddiga qadka dhexe ee Barcelona, Sergio Busquets, sida ay wararku sheegayaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa kooxda door muhiim ah ku lahaa intii uu Guardiola joogay Camp Nou, 14 koob ayayna ku guulaysteen, wuxuuna noqday mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican ee ka ciyaara booskiisa.

Onda Cera oo kasoo baxda Spain ayaa fahamsan in laga yaabo xiddigan iyo macalinkiisi hore ay mar kale ku midoobaan Etihad Stadium, Guardiola ayaana la xariiray Barcelona si uu uga faa’iidaysto xiddiga kasoo qalin jabiyay La Masi.

Busquets ayaa qandaraaska uu kula joogo kooxda Catalonia waxaa kaga harsan laba sano oo kale, si kastaba, tababaraha cusub ee Barca, Ernesto Valverde ayaan doonaynin inuu iibiyo mid ka mid ah ciyaartoydiisa muhiimka ah ka dib markii uu wacdaro kaga tagay Neymar.

City ayaa horey u qarash gareysay  £200m xagaagan, iyada oo keentay Benjamin Mendy ‘£52m’, Kyle Walker ‘£45m’ iyo Ederson ‘£35m’.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan