Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo heshiis cusub ka saxiixatay difaaceeda dhexe ee Nicolas Otamendi

Manchester City oo heshiis cusub ka saxiixatay difaaceeda dhexe ee Nicolas Otamendi

Muqdisho – Manchester City ayaa heshiis cusub ka saxiixatay difaaceeda dhexe ee Nicolas Otamendi kaas oo u dhashay waddanka Argentine, heshiiskan ayaa dhic doona sanadka 2022.

29- jirkan ayaa u saftay City 118 kulan tan iyo markii uu lacag lagu sheegay £32 million kaga yimid kooxda Valencia ee dalka Spain sanadkii 2015. Heshiiskiisii hore ayaa dhacayey sanadka 2020, hayeeshee Arbacadii ayey ku dhawaaqeen in lagu daray labo sano oo uu kusii joogayo Etihad Stadium.

Otamendi ayaa kusoo bilaawday 22-kulan 23-kii kulan oo Premier League ay kooxda City ciyaartay Xilli ciyaareedkan, wiilasha Pep Guardiola ayaa ku hogaaminaya horyaalka 12 dhibcood oo nadiif ah kaliya 17 gool ayaana laga dhaliyey.

Wuxuu sidaas oo kale kasoo muuqday shan kulan oo Champions League ah oo ay Muwaadhiniitu Ciyaareen, kuwaas oo Basel ku waji doona wareega 16-ka bisha soo aadan.

Tweeter-ka rasmiga ah ee Man City ayaana lagu qoray “General Otamendi ayaa maanta saxiixay heshiis cusub”.

“kooxda Waxaan run ahaantii ku riyaaqayaa waayo-aragnimodeyda tan iyo maalintii ugu horeysay ee aan halkaan imid,” Otamendi ayaa u sheegay CityTV. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan sii joogo dhowr sano oo dheeraad ah”, ayuu kusii dary hadalkiisa.

Otamendi ayaa kasoo bilaabay waayahiisa ciyaareed kooxda Argentine ee Velez Sarsfield, kahor inta uusan ku biirin  kooxda Porto sanadkii 2010. Sidaas oo kale wuxuu usoo ciyaaray naadiga  Atletico Mineiro ee ka dhisan Brazil intii lagu guda jiray amaah uu kaga tagay Valencia 2014.

51 kulan ayuu u saftay xulka Argentina , waxaa kulamadaas qeyb ka ah koobkii adduunka ee  2010-kii  iyo koobabkii 2015 iyo 2016 ee Copa America, Otamendi wuxuu qeyb muhiim ah ka ahan doona kooxda xulka Argentine ee ka qeyb gali doonta koobka Aduunka ee Russia.

  Isha Goal.com/en

W/T: Abdi Aziz Adan Urur.
Cabdicaziiz149@gmail.com.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan